Klicken bewirkt Wechsel zu einer neutralen Website

Caawinta iyo Gabaad siinta Dumarka* iyo Caruurtooda la kulmay tacadiyada kadhaca

Women's* and Children's House Hadad ubahantahay cawimaad deg-deg ah:

La hadal Lambarkan Poliska: 110
Ama hadii Cafimaadka khatar galay Ambalaasta la hadal:  112
Dariiqa loo maro Guriga Haweenka iyo Caruurta

Hadii Lamanahaaga ama Qoyskaada Qalbiga ka dilaan ama Gacan kahadal ku soo gaadho ama laguu hanjabo waxaad tagi kartaa kaligaa ama Adiga iyo Caruurtaada Guriga Madaxbanaan Offenbach ee Hawenka iyo Caruurta. Waxaad Kaheli meel aad seexataan iyo nabad ilaalin.

In lagu qaabilo way fududtahay:

  • Adigaa nala so hadli kartid oo na waydiin in boos banaan yahay, ama E-mail ayaad nagu Suaali kartaa. Wada hadal ayaa lagu ogaan in qabilaada suurta gal iyo macquul tahay.
  • Hadii aad af Jarmalka garanayn Asaxaabtada, Ehelkaada ama Qof aad is garanaysaan ayaad nala soo hadli kartaan.

Kala Xidhidh:

Telefonkan 069-886139( Isniin ilaa Jimco Sacada 09.00-16.00) ama dhanka Poliska
Emailkan: info [at] frauenhaus-offenbach.de

Hadii aad haysatid suurta galna tahay soo qaado: Shahado Shaqo, Diblooma, Warqad Aqoonsi/Daganasho/ Dhalasho, Passabor, Lacag, Kar Bangiga, Buuga Talaalka.

Hadii aad u bahantahay Talo bixin:

Anaga waxaan tala bixin kasiinaa:

  • Rabshada Qoyska iyo Sharciyadiisa
  • Dhibaatada Lamaanah iyo Qoyska
  • Kala Daganaasho ama Furitaan
  • Faragalinta dhibaatoyinka
  • Daba gal

Waxaan bixinaynaa:

  • wadahadal xag nafsi iyo bulsho, aan horay u habaynay ( si qarsoodi hadii aad rabto)
  • wada hadal furan: Khamiista kasta saacada  inta u dhaxaysa 10.00 iyo 12.00.
  • Talo bixin kadib Hawlgalka Poliska ee Rabshada Qoyska.

Kala Xidhidh:

Telefonkan: 069-816557 (Isniin ilaa Jimco saacada 09.00 ilaa 16.00)
Email: beratung [at] frauenhaus-offenbach.de

Ciwaanka:

Bieberer Straße 17
63069 Offenbach am Main

nach oben